Reports

August 24, 2023

Saamaynta fatahaadda Wabiga Shabeele ku reebo magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhowdhow ee dhaca hareeraha Wabiga .

Saamaynta fatahaadda Wabiga Shabeele ku reebo magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhowdhow ee dhaca hareeraha Wabiga .

Hordhac
webiga shabeelle wuxuu ka soo bilaabma dhulka jooga  sare ee Itoobiya wuxuuna ku sii hoobtaa Soomaaliya, isagoo sii mara magaalooyin badan ilaa uu ku shubo badweynta Hindiya, xilli roobaadyada qaarkood  qulqulka biyaha wabi shabelle waxay noqdaan xad-dhaaf, maadaama wabigu dhaco dhul joog hoose waxaa ku soo rogmada biyaha waadiyada iyo faruhu Buuraleyda ka soo rogaan, biyahaas ayaa isku daya inay Wabiga ku hoobtaan haseyeeshee waxaa ka horyimaada biyo
wabiga oo buuxdhaafay horay u soo tufay, taas waxay keentaa in biyihii u dhaqaaqaa saf ballaaran oo daboola dhul aad u ballaaran, Magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka koonfurta Soomaaliya ugu dadka badan waxaa dhamanteed harqiya biyaha wabiga.

Dhibaatooyinka ay Fataahaddu ku reebto  Magaalada Beledweyne:

1.dhibaatooyinka dhaqaale:
Maadaama dadka magaalada oo dhan ay ka barakacaan guryohooda taas waxaa barbar socda inuu joogsado ganacsigoodii, meeshaas waxaa ka dhasha in nolosha qoysasku hoos u dhacdo oo ay u baahdaan gargaar banii'aadanimo oo degdeg ah taas oo soo daahda ama la waayo ama aan ku filnayn,
Sidoo kale fatahaaddu waxay baabi'isaa dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, taas oo keenta cunto yari.

2. Dhibaatooyinka caafimaad darro

Fatahaaddu waxay sababtaa  xanuunno ay ka mid yihiin Malaariyada iyo cagaarshowga maadaama kaneecadu kacdo, xanuunadaas waxay keenaan dhimasho, waxaa sidoo kale duma musqulaha, saxaraduna banaanka ayey u soo baxdaa waxaana halkaas ka dhashada cudurada faafa sida shuban biyoodka.
Ugu danbeyn fataahaddu waxay burburisaa guryo farabadan dadkuna ma haystaan dhaqaale ay ku dayactireen ..

Scroll to Top

Donation Deatils