Qabridahare waxaa ku yaal laba geedo oo waaweyn oo odayaasha iyo wax garadku ku shiri jireen ama hadaba lagu shiro oo micno weyn ugu fadhiya bulshad halkaas.
Beled weyne waxay caan ku tahay geedka baar ka ah oo meel fog laga soo arko, calamadna u ah inaad magaaladii ku soo dhowaatay. Wax badanna heesa, gabyada iwm waa lagu ammanay ama loogu duceeyey magaaladaas.
Tuulada Jimbac ee degmada Hargeele hoostagtana waxaa ku yaal geed weyn oo qudhac ah oo bulshadu ku nasato kuna tashato hooskiisa.
Tuulada Xagar moqor oo demada Jarrati hoostagtana waxay caan ku tahay geed weyn oo Xagar ah, oo waayadii hore biyaha u qaban jiray geelleyda iyo socotada halkaas.
Dhirtaas aan soo sheegay waxay dadka deegaannadaasi u leeyihiin micno aad uga balladhan iyo ixtiraam gaar ah (cultural values).
Hadii aad micno yaashaas garneysid kuma aad taliseen in la jaro geedaha Qabridahare, Baarka Beled weyne, Qudhaca jimbac, Xagarka Xagar moqor.
Dowladii Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) ayaa nin gudoomiye ah loo soo diray degmada Jarrati. Jarrati waxaa ku yaalay geedweyn oo Garas ah marwalbana cagaran, dadku hadhsado, marwalbana la hoos joogo. Wuxuu magaalada u ahaa tilmaan lagu garto. Ruux hadii uu dhahayo Jarrati baan tagay wuxuu raacin jiray ”Garaskii baan hoos istaagay”.
Ninkii siyaasiga ahaa waxqabadkiisii waxaa ugu horreyey ”Garaska ha la jaro” in uu amar ku bixiyo!
Waa la jaray, nasiib daroo weli meeshiisii geed kale laguma beerin. Maxaad dhihi laheyd? Wuu ooga dara!!
Waxaan u soo jeedin lahaa bulshada magaaladaas in ay dib u beerto geedkii Garaska ahaa.
waxaa qoray: Mohmud Hussein Abdullahi ( Kaad)
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=6253057098156023&id=100003553834065&sfnsn=mo&mibextid=6aamW6