Reports
August 24, 2023
Saamaynta fatahaadda Wabiga Shabeele ku reebo magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhowdhow ee dhaca hareeraha Wabiga .
Saamaynta fatahaadda Wabiga Shabeele ku reebo magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka u dhowdhow ee dhaca hareeraha Wabiga .
Hordhac
webiga shabeelle wuxuu ka soo bilaabma dhulka
jooga sare ee Itoobiya wuxuuna ku sii hoobtaa Soomaaliya, isagoo sii mara
magaalooyin badan ilaa uu ku shubo badweynta Hindiya, xilli roobaadyada
qaarkood qulqulka biyaha wabi shabelle waxay noqdaan xad-dhaaf, maadaama
wabigu dhaco dhul joog hoose waxaa ku soo rogmada biyaha waadiyada iyo faruhu
Buuraleyda ka soo rogaan, biyahaas ayaa isku daya inay Wabiga ku hoobtaan
haseyeeshee waxaa ka horyimaada biyo
wabiga oo buuxdhaafay horay u soo tufay, taas
waxay keentaa in biyihii u dhaqaaqaa saf ballaaran oo daboola dhul aad u
ballaaran, Magaalada Beledweyne oo ka mid ah magaalooyinka koonfurta Soomaaliya
ugu dadka badan waxaa dhamanteed harqiya biyaha wabiga.
Dhibaatooyinka
ay Fataahaddu ku reebto Magaalada Beledweyne:
1.dhibaatooyinka dhaqaale:
Maadaama dadka magaalada oo dhan ay ka
barakacaan guryohooda taas waxaa barbar socda inuu joogsado ganacsigoodii,
meeshaas waxaa ka dhasha in nolosha qoysasku hoos u dhacdo oo ay u baahdaan
gargaar banii'aadanimo oo degdeg ah taas oo soo daahda ama la waayo ama aan ku
filnayn,
Sidoo kale fatahaaddu waxay baabi'isaa dhul
beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan, taas oo keenta cunto yari.
2. Dhibaatooyinka
caafimaad darro
Fatahaaddu waxay sababtaa
xanuunno ay ka mid yihiin Malaariyada iyo cagaarshowga maadaama
kaneecadu kacdo, xanuunadaas waxay keenaan dhimasho, waxaa sidoo kale duma
musqulaha, saxaraduna banaanka ayey u soo baxdaa waxaana halkaas ka dhashada
cudurada faafa sida shuban biyoodka.
Ugu danbeyn fataahaddu waxay burburisaa guryo
farabadan dadkuna ma haystaan dhaqaale ay ku dayactireen ..